Barqadle Group

Suuqa Soomaaliya

Ganacsiga Soomaaliya si wanaagsan ayuu uga hanaqaaday guud ahaan dalka. Badeecooyinka waxaa soo gudbiya ganacsato waaweyn oo leh awood dhaqaale iyo mid logistics si ay u daboolaan baahiyaha suuqyada kala duwan, kana gudbaan caqabadaha dhaqdhaqaaqa badeecooyinka.

Ganacsatada yaryar inkastoo ay door kooban leeyihiin, haddana ururrada ganacsatada — gaar ahaan kuwa haweenka — waxay door muhiim ah ka qaataan bixinta dalagyada iyo badeecooyinka muhiimka ah sida galleyda iyo masagada.

Sidoo kale, wada-hawlgalayaasheena waxay dhoofiyaan adeegyo iyo badeecooyin kor u qaaday sumcadda iyo ballaarinta suuqeena heer caalami.