Barqadle Group

Yaa Nahay?

Barqadle Group waa shirkad bixisa adeegyo xirfadeed oo ay ka mid yihiin la-talinta ICT-ga, teknoolojiyadda beeraha casriga ah, cilmi-baaris iyo maamulka, xiriirka bulshada, adeegyada dhismaha, gaadiidka iyo logistics-ka, iyo sidoo kale adeegyada warbaahinta.

Waxaan ku dadaalnaa inaan bixino adeegyo tayo leh iyo xalal wax ku ool ah annagoo adeegsaneyna xog sax ah, xiriirro ganacsi oo adag, iyo khibrad dheer si loo daboolo baahiyaha macaamiisheena. Ujeedadeenu waa horumarinta adeegyada xirfadeed, falanqayn qoto dheer, qorsheyn istiraatiiji ah, iyo horumarinta kheyraadka aadanaha.

Sidoo kale waxaan ka caawinnaa shirkadaha iyo hay’adaha inay sare u qaadaan waxqabadkooda, faa’iidadooda, iyo hufnaanta shaqadooda. Tayada adeeggeenna iyo xirfaddeenna ayaa ka dhigeysa lamaane ganacsi oo lagu kalsoonaan karo, annagoo mar walba garab taagan macaamiisheena si loo gaaro horumar joogto ah.

Himiladeena

Waxaan ka go’an inaan bixino adeegyo tayo sare leh oo fududeeya ganacsiga macaamiisheena, annagoo daboolayna baahiyaha shaqsiyeed iyo kuwa shirkadeed. Waxaan mar walba dhiirrigelinnaa horumar joogto ah, hal-abuur iyo adeeg ka sarreeya filashada macaamiisha.

Aragtideena

Inaan noqono shirkadda hormuudka ka ah adeegyada gobolka, annagoo bixinna xalal dhameystiran, adeegyo tayo leh, iyo dhisidda kalsoonida joogtada ah ee macaamiisheena.

Our Team

Mr.Abdullahi Hassan
CEO

01

Waxaan aad ugu faraxsanahay horumarka iyo faa’iidada ay mashaariicda Barqadle Farm u keenaan bulshada iyo macaamiisheena.

Dr. Ali Sheekh Abdi Ahmed
Legal Advisor

02

Wuxuu bixiyaa talooyin sharci iyo hagid la xiriirta arrimaha sharciga, sidoo kale wuxuu ka caawiyaa diyaarinta iyo maamulka heshiisyada macaamiisha.

Managing Director

03

Wuxuu dejinayaa isla markaana hirgelinayaa istiraatiijiyadda shirkadda si loo gaaro yoolalka loona bixiyo talooyin hoggaamineed iyo qorsheyn xirfadeed.

Chief of Staff

04

Wuxuu ka shaqeeyaa xalinta dhibaatooyinka, dhexdhexaadinta khilaafaadka, iyo maamulka arrimaha gudaha ee shirkadda.

Hadafyadeena