Barqadle Group waa shirkad bixisa adeegyo kala duwan oo ay ka mid yihiin la-talinta ICT-ga, teknoolojiyadda beeraha casriga ah, cilmi-baaris iyo maamulka, xiriirka bulshada, adeegyada dhismaha, gaadiidka iyo saadka, iyo sidoo kale adeegyada warbaahinta. Waxaan ku dadaalnaa inaan macaamiisheena siino adeegyo tayo leh iyo xalal wax ku ool ah oo ku saleysan xog iyo khibrad dhab ah.
Ujeedadeenu waa horumarinta adeegyada xirfadeed, falanqaynta qotoda dheer, iyo taageeridda qorsheynta istiraatiijiyadeed iyo horumarinta kheyraadka aadanaha. Sidoo kale waxaan ka caawinnaa shirkadaha iyo hay’adaha inay sare u qaadaan waxqabadkooda, faa’iidadooda, iyo hufnaanta shaqadooda.
Waxaan diiradda saarnaa aasaasidda beeraha casriga ah, maamulka iyo hawlgelinta beeraha, iibinta iyo suuq-geynta wax soo saarka beeraha.
Waxaan qabanaa waxa aan ballanqaadno si xirfad leh. Ku qanacsanaanta iyo kalsoonida macaamiishu waa furaha guusheena, annagoo bixinna xalalka ugu wanaagsan ee ICT-ga.
Shirkadda Barqadle Logistics waxay bixisaa adeegyo dhameystiran oo gaadiid, rarid iyo logistics ah, kuwaas oo loogu talagalay baahiyaha gaarka ah ee macaamiisha.
Waxaan ka shaqeynaa horumarinta bulshada annagoo bixinna taageero, agab iyo xirfado horseeda nolol wanaagsan iyo horumar waara.
Waxaan maamulnaa xiriirka warbaahinta iyo bulshada annagoo dhiseyna xiriir adag oo lala yeesho saxaafadda, abaabulna ololeyaal warbaahineed iyo adeegyo xiriir bulsho oo tayo leh.
Waxaan bixinnaa adeegyo badan sida qorista, sawir-qaadista, naqshadeynta garaafyada, muuqaal iyo cod duubis. Adeegyadan ayaa muhiim u ah ganacsi kasta oo casri ah.
Takaful waa caymis Islaami ah oo iskaashi ku dhisan, halkaas oo xubnuhu ay lacag ku darsadaan sanduuq wadajir ah si loogu taageero marka khasaaro ama baahi timaado.
Waxaan ka shaqeynaa uruurinta iyo bixinta badeecooyinka badda iyo adeegyo la xiriira kalluumeysiga, annagoo daboolna baahiyaha ganacsiyada iyo bulshada.
Waxaan aad ugu faraxsanahay horumarka iyo faa’iidada ay mashaariicda Barqadle Farm u keenaan bulshada iyo macaamiisheena.
Wuxuu ka shaqeeyaa xalinta dhibaatooyinka, dhexdhexaadinta khilaafaadka, iyo maamulka arrimaha gudaha ee shirkadda.
Wuxuu dejinayaa isla markaana hirgelinayaa istiraatiijiyadda shirkadda si loo gaaro yoolalka loona bixiyo talooyin hoggaamineed iyo qorsheyn.