Sahami Adeegyadeena
Barqadle Farm
Waxaan diiradda saarnaa aasaasidda beeraha casriga ah, maamulka iyo hawlgelinta beeraha, iibinta iyo suuq-geynta wax soo saarka beeraha.
Barqadle ICT
Waxaan qabanaa waxa aan ballanqaadno si xirfad leh. Ku qanacsanaanta iyo kalsoonida macaamiishu waa furaha guusheena, annagoo bixinna xalalka ugu wanaagsan ee ICT-ga.
Barqadle Logistics
Shirkadda Barqadle Logistics waxay bixisaa adeegyo dhameystiran oo gaadiid, rarid iyo logistics ah, kuwaas oo loogu talagalay baahiyaha gaarka ah ee macaamiisha.
Barqadle Construction
Waxaan ka shaqeynaa horumarinta bulshada annagoo bixinna taageero, agab iyo xirfado horseeda nolol wanaagsan iyo horumar waara.
Barqadle Public Relations
Waxaan maamulnaa xiriirka warbaahinta iyo bulshada annagoo dhiseyna xiriir adag oo lala yeesho saxaafadda, abaabulna ololeyaal warbaahineed iyo adeegyo xiriir bulsho oo tayo leh.
Barqadle Multimedia
Waxaan bixinnaa adeegyo badan sida qorista, sawir-qaadista, naqshadeynta garaafyada, muuqaal iyo cod duubis. Adeegyadan ayaa muhiim u ah ganacsi kasta oo casri ah.
Barqadle Takaful Insurance
Takaful waa caymis Islaami ah oo iskaashi ku dhisan, halkaas oo xubnuhu ay lacag ku darsadaan sanduuq wadajir ah si loogu taageero marka khasaaro ama baahi timaado.
Barqadle Seafood Company
Waxaan ka shaqeynaa uruurinta iyo bixinta badeecooyinka badda iyo adeegyo la xiriira kalluumeysiga, annagoo daboolna baahiyaha ganacsiyada iyo bulshada.